aqoon guud su'aalo iyo jawaabo

 




aqoon guud su'aalo iyo jawaabo

1- Su’aal: Sheeg Ninkii Afhayeenka U Ahaa Asxaabtii U Hijrootay Ardul Xabash?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Jacfar Bin Abii Daalib Rc.

2- Su’aal: Sheeg Kumuu Ahaa Asxaabigii Loo-Aqoon Jiray Tartamaagii Quraanka Kariimka?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Cabdullaahi Bin Cabaas Rc.

3- Su’aal: Sheeg Magaca Islamka Kahor Madiina Loo Yaqiinay?

 Jawaab: Waxa Loo Yaqiinay Yaidrib.

4- Su’aal: Sheeg Sanadkii Uu Soo Islaamay Halyeey-Gii Cumar Bin Khadaab Rc?

 Jawaab: Wuxu Soo Islaamay Sanadkii 6-Aad Ee Nabinimada Rasuulka NNKH LooSoo Saaray.

5- Su’aal: Sheeg Abuu Bakar Rc Magaciisa Oo Seddexan?

 Jawaab: Waxa Waaye Cabdulalahi Bin Qaxaafa.

6- Su’aal: Sheeg Magaca Rasuulka Nnkh Hooyadii Oo Seddexan?

 Jawaab: Waxa Waye Aamina Bintu Wahab Bin Cabdi Manaaf.

7- Su’aal: Sheeg Ninkii Dadka Waaweyn Ugu Hor Rumeeyey Rasuulka Nnkh?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Abuu Bakar Sadiiq Rc.

8- Su’aal: Sheeg Qofkii Ugu Hor Rumeeyey Rasuulka NNKH Oo Haween Ah?

 Jawaab: Waxay Eheed Hooyo Khadiija Bintu Khuweylad.

9- Su’aal: Sheeg Nabiga Nnkh Yaa Ugu Hor Rumeeyey Caruurta Yar Yar?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Cali Bin Abuu Daalib Rc.

10- Su’aal: Sheeg Islamka Kahor C/Raxmaan Bin Cawf Magacii Loo Aqoon Jiray?

 Jawaab: Waxa Loo Aqoon Jiray “Cabdi Camr”.

11- Su’aal: Sheeg Ninkii Ugu Horeeyey Ee Muslimiinta Salaad Jimco Tujiyo?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Asxaabigii Weynaa Ee Sacad Bin Suraara Rc.

12- Su’aal: Sheeg Goortuu Dhacay Dagaalkii Badar?

 Jawaab: Wuxu Dhacay 17-Kii Ramadaan Sanadkii 2-Aad Ee Hijriyada.

13- Su’aal: Sheeg Shanta Nabi Ee Ulul-Casmiga Laysku Yiraahdo?

 Jawaab: Waxay Kala Yihiin.

1- Nabi Nuux Cs,

2- Nabi Ibrahim Cs.

3- Nabi Muuse Cs.

4- Nabi Ciise Cs,

5- Nabi Muxamed Scw


14- Su’aal: Sheeg Maxa La Oran Jiray Ninkii Dilay Cali Bin Abii Daalib?

 Jawaab: Waxa La Oran Jiran C/Raxmaan Binu Muljin.

15- Su’aal: Sheeg Ninkii Waqtigii Nabiga Scw Noolaa Nabinimada Sheegtay?

 Jawaab: Waxa La Oran Jiray Musaylamatul Kadaab.

16- Su’aal: Sheeg Kumuu Ahaa Mu’adinkii Rasuulka Nnkh ?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Bilaal Binu Rawaaxa.

17- Su’aal: Sheeg Yaa Ugu Horeeyey Muslimiinta Qof Maka Ka Haajira Oo U Haajira Madiina?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Abuu Salaama Rc.

18- Su’aal: Sheeg Aayada Kulmisay Dhammaan Xuruuful Hijaa’iga?

 Jawaab: Waa Muxamadu Rasuullulaah. (Suuratul Fatax).

19- Su’aal: Sheeg Kumuu Ahaa Qofkii Ugu Horeeyey Ee Qora Bismillaahi Raxmaanil Raxiim?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Nabi Suleymaan Cs.

20- Su’aal: Sheeg Meesha Uu Ku Shihiiday Imaam Xuseen ?

 Jawaab, Wuxu Ku Shahiiday Karbala.

21- Su’aal: Sheeg Goorma Ayaa La Farad Yeelay Zakaatul Fidriga?

 Jawaab, Waxa La Farad Yeelay Sanadkii Labaad Ee Hijriyada

22- Su’aal: Sheeg Asxaabigii Ey Ka Xishoon Jirtay Malaa’iigta?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Cusmaan Bin Cafaan.

23- Su’aal: Sheeg Asxaabigii Dhimashadiisa Dartiis Uu Cashriga La Gil Gishay ?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Sacad Bin Mucaad.

24- Su’aal: Sheeg Goorma Ayuu Dhacay Dagaalkii Qanda?

 Jawaab: Wuxu Dhacay Sanadkii 8-Aad Ee Hijriyada.

25- Su’aal: Sheeg Asxaabigii U Soo Jeedshay Rasuulka (NNKH) Dagaalkii Qandaq Dhufeys In Aad

Noqoto?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Salmaan Al Faarisi Rc.

26- Su’aal: Sheeg Goorma Ayuu Dhacay Heshiiskii Xudeybiya ?

 Jawaab: Wuxu Dhacay Sanadkii 6-Aad Ee Hijriyada.

27- Su’aal: Sheeg Kumuu Ahaa Asxaabigii Bilaabay Taariikhda Hijriyada?

 Jawaab: Wuxu Ahaa Cumar Bin Khadaab Rc.

28- Su’aal: Sheeg Sanadkii La-Oofsaday Rasuulka (NNKH)?

 Jawaab: Waxa La-Oofsaday 11-Kii Hijriyada.


29- Su’aal: Sheeg Rasuulka (Nnkh) Markii Uu Geeriyooday Ilmihiisa Imisa Ayaa Ka Noolaa?

 Jawaab: Waxa Ka Nooleed Faaduma Bintu Rasuulullaah.

30. Su’aal: Sheeg Nabi Muuse Cs Iyo Nabi Haaruun Cs Keebaa Weynaa?

 Jawaab: Waxa Weynaa Nabi Haaruun Cs.

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post